​Sweden: Weerar ka dhacay magaalada Malmo

Image

Booliiska magaalada Malmo ee dalka Sweden, ayaa ku waramaya inay baadi goob ugu jiraan koox burcad ah oo dil toogasho ah ka fulisay xarunta caanka ku ah ganacsiga iyo dhaqanka.

Waxay intaas raaciyeen inay falkan uga shakisan yihiin isku day dil.

Weerarka oo xalay dhacay, ayaa lagu dhaawacay 4 ruux oo mid kamid ah xaaladdiisu liidato.

Lama oga sababta loo dilay, balse waxaa la sheegay in muddooyinkii dambe Malmo ay ka dhacayeen weeraro la xiriira bucadnimo.

Kooxo gangis ah ayaa kusoo badanayay xarunta saddexaad ee ugu weyn waddanka Sweden islamarkaana dhacda Koonfurta.

Majirto ilaa hadda cid katirsan dowaldda oo ka hadashay weeraradan soo badanaya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM