​Syria: Shacab lagu dilay weerar ka dhacay Xalab

Image

Dad gaaraya 74 qof, oo 25 kamid ah ahaayeen caruur ayaa lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Xalap ee waqooyiga dalka Syria.

Hay'ada la socodka xadgudubka Syria ayaa sheegtay in dadka shacabka ah ee lagu dilay Xalap ay ahaayeen kuwa ku go'doonsan dagaalka magaaladaasi.

Magaalada Xalap ayaa waxaa ku dagaalamaya xoogaga mucaaradka iyo ciidamada dowlada Syria, waxaana magaaladaasi noqotay goob go'doonsan oo dadku aanay awoodin inay ka baxsadaan.

Colaada Syria ayaa waxaa ku dhimatay ku dhawaad hal milyan oo qof kuwaasi oo u badan shacab waxaana dagaalka dalkaasi uu galay mudo 5 sano ah.

Madaxweyne Bashaar Al Asad ayaa dagaallo kula kulmayo Mucaaradka qunyar socodka ah iyo Mintidiiinta Daacish, kuwaasi oo doonayo inay ridaan dowladiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM