Taageerayaasha hogaamiyahii Wagner oo si qarsoodi ah u sagootiyay

Image

MOSCOW, Ruushka - Afhayeen u hadlay Kooxda Wagner ee Ruushka ayaa ku dhawaaqay, Talaadadii, in si qarsoodi ah loo qabtay mumsaabad lagu sugootinayo hogaamiyaha kooxda, Yevgeny Prigozhin.

Afhayeenka Wagner ayaa hadal kooban oo uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in si qarsoodi ah loo qabtay "munaasabad lagu sagootinayo" hogaamiyihii kooxda Yevgeny Prigozhin oo ku dhintay shil diyaaradeed todobaadkii hore.

Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa soo xigatay bayaanka: "Kuwa doonaya in ay sagootiyaan hogaamiyaha Wagner waa in ay tagaan xabaalaha Porokhovskoye ee magaalada St. Petersburg”.

Warbixino hore oo warbaahintu ka soo saartay aaska Prigozhin ayaa tilmaamaya in qabuuraha kale ee ku hareeraysan magaalada ay suurtogal tahay in lagu aaso. balse Ilaa haatan ma cadda hadii Prigozhin la aasay.

Prigozhin, oo Putin ku kalsoonaa, noqdayna "khaa'inul waddan", ayaa la dilay Arbacadii, laba bilood ka dib markii uu amar ku siiyay ciidamadiisa inay afgembiyaan hoggaanka militariga Ruushka, taasoo dadka indha-indheeya siyaasadda ay u arkeen caqabadii ugu weyneyd ee soo wajahda awoodda Putin tan iyo markii uu xukunka qabtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM