Taalibaan oo u dhaqaaqday xasilinta lacagta iyagoo wajahaya cunaqabatayn
KAPUL- Iyadoo la raadinayo sidii loo joojin lahaa hoos u dhaca qiimaha ee ku yimid lacagta maxaliga ah ee Afgaanistaan , dawladda ku meel gaarka ah ee Afgaanistaan, ayaa Isniintii wacad ku martay inay $10 milyan ku xaraashayso suuqa furan.
War qoraal ah oo uu soo saaray bangiga dhexe ee dalkaas ayaa lagu sheegay in lacagtan dollarka ah la xaraashayo maalinta Talaadada ah.
Bangiga ayaa ka codsaday bangiyada gaarka loo leeyahay iyo ganacsatada sarifka lacagaha qalaad in ay ka qeyb qaataan tartanka. Bangigu wuxuu sheegay in qandaraaslayaasha laga codsan doono inay dadka Afgaanistaan siiyaan lacagta dollarka ah.
Tani waxay ku soo beegantay iyadoo Afgaanistaan uu ku dhacay hoos u dhac qiimaha lacagta ah marka loo eego doolarka Mareykanka, $1 oo lacagta Mareykanka ah waxaa lagu sarifayey 95 Afgaanistaan ah.
Horaantii todobaadkan, Hay’da xuquuqda bini’aadanka “HRW” waxay ku baaqday in la khafiifiyo cunaqabataynta dhaqaale ee saaran Afgaanistaan. Waxay ku boorisay Qaramada Midoobay iyo hay'adaha maaliyadeed ee caalamiga ah inay hoos u dhigaan xayiraadaha jira iyo cunaqabataynta saameysay dhaqaalaha iyo qaybta bangiyada dalka.
"Dhaqaalaha Afgaanistaan iyo adeegyada bulshada ayaa burburaya, iyadoo dadka Afgaanistaan ay durba la ildaran yihiin nafaqo-xumo ba'an," ayuu yiri John Sifton, agaasimaha u doodista Aasiya ee Human Rights Watch.
GAROWE ONLINE