​Taliban oo hogaan cusub samaysatay

Image

Ururka Taliban ee ka dagaallama dalka Afghanistan, ayaa ku dhawaaqay ninka u badalaya hogaankooda dhawaan lagu dilay duqayn uu gaystay dalka Maraykanka taasoo ka dhacday magaalo ku taalla xadka ay la wadaagaan Pakistan.

Mawlawi Haibatullah Akhundzada, ayaa badalay hogaamiyihii hore kooxda Mullah Akhtar Mansour.

Afhayeen u hadlay kooxdaasi, ayaa sheegay nin lagu magacaabo, Haibatullah Akhundzada, inuu yahay madaxa cusub ee ururka. Mullah Haibatullah, ayaa ahaa ku xigeenkii Mullah Mansour iyo madaxii hore ee garsoorka Taliban.

Ku xigeenada cusub, ayaa noqon doono, Sirajuddin Haqqani oo shabakadiisa lagu dhaliilay qaraxyo badan oo ka dhacay Kabul iyo Mohammad Yaqoob oo ah wiilka asaasihii Taliban, Mullah Omar.

Waa markii ugu horeysay ay Taliban qirto dhimashada Mullah Mansour.

Lama garankaro halka ururku u jihaysan doono, balse waxaa hubanti ahayd in kooxdo jaah wareer gashay markii la doortay hogaamiyaha la dilay.

Dadka u dhuun daloola siyaasadda kooxdaasi, waxay sheegayaan inay weli khatar ku tahay Maraykanka iyo dalka Afghanistan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM