Taliban oo kasoo jawaabtey xabad-joojintii loogu baaqay

Image

KABUL - Kooxda Taliban, garabkeeda wadanka Afghanistan ayaa soo dhaweeyay Xabad-joojintii ay ugu baaqday Madaxweyne Ashraf Ghani, waxayna sheegtay inay joojin doonto weerarada munaasabada Ciida awgeed.

Tani oo noqeysa markii ugu horeysay ayaa waxay ka dambeysay markii Madaxweynaha Afghanistan ee Ashraf Ghani uu Khamiistii ku dhawaaqay inay la galayaan Taliban xabad-joojin KMG gaar ah.

War kasoo baxay Taliban oo lagu xaqiijiyay in Xabad-joojinta aysan ku jirin ciidamada "shisheeye ee kusoo duulay Afghanistan," waxayna wacad ku mareen inay iska difaaci donaan, weerar walba oo uga yimaada.

Sidaasi si lamid ah, dowladda Ashraf Ghani waxay xabad-joojinta ay la galayso Taliban ka saartey kooxaha kale ee Islaamiyiinta ah sida kooxda Daacish, garabkeeda Afghanistan iyo Al Qaacida, oo hadda awood badan ku lahayn dalkaasi.

Talaabadan lama filaanka ah ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadoo qaar kamid ah culimada ugu caansan wadanka Afghanistan ay ku kulmeen Kabul todobaadkii hore ay soo saareen Fatwo ay "xaaraan" uga dhigeen weerarada Is-qarxinta.

Taliban ayaa cambaareysay Bayaanka Culimada, waxayna ku tilmaameen mid ay gadaal ka riixayaan dowladda shisheeye, oo Mareykanka ugu horeeyo.

Culimada ayaa xiliga ay ku jireen shirkooda lala beegsaday qarax Ismiidaamin ah, kaasi oo lagu dilay Tobaneeyo qof, iyadoo mas'uuliyadda weerarkaas ay dhabarka u riteen Xoogag Kooxda Daacish.

Illaa iyo hadda ma cadda hadii xabad-joojinta Taliban ay bilaabatay dhaqan galkeeda, xili Ciida ay bilaabanayso marka la Arko bisha oo ku beegan inta u dhaxeysa 29-ka ama 30-ka bisha barakasan ee Ramadan.

War-saxaafadeedka Taliban waxaa kaloo lagu sheegay inay soo deyn doonan Maxaabiista ay dagaalada ku qabteen, laakiin waxay shuruud uga dhigeen inay marka hore balanqaadeen in aysan Aagaga dagaalka dib dambe ugu soo noqon doonin.

Talaabooyinka is-xig-xiga oo ay qaadayaan dowlada Afghanistan iyo kooxda Taliban oo dagaal u dhaxeeya ayaa waxa rajo wanagasan geliyay shacabka dalkaasi, kuwaasi oo khasaarooyin badan kala kulma weerarada iyo dagaallada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM