Taliban oo Mareykanka baaq ugu dirtey "warqad furan"

Image

KABU, Afghanistan – Falaagada Taalibaan ayaa daabacday warqad furan oo ay ugu baaqeyso Mareykanka inuu ixtiraamo heshiiskii Doha ee ku saabsanaa ka bixitaanka ciidamada caalamiga ah ee Afghanistan.

Warqadan ayaa la daabacay Talaadada maalin ka hor kulanka ay wada yeelanayaan wasiirada gaashaandhigga NATO si ay uga wada hadlaan xaalada ciidamada isbahaysiga ee la geeyay waddankaas.

Taalibaan ayaa ku waanisay Mareykanka inuu si buuxda u dhaqan geliyo heshiisyadii Doha, oo ay ku jiraan bixitaanka dhammaan ciidamada iyo shaqaalaha caalamiga ah, iyagoo sheegay inay ka go'antahay doorka ay ku leeyihiin fulinta heshiiskaas nabadeed.

"Hada sanad kadib ayaa laga joogaa markii la saxiixay heshiiska Doha, waxaan ka codsaneynaa kooxda Mareykanka inay ku sii adkeysato fulinta heshiiskan oo dhameystiran," ayaa lagu yiri qoraalka.

Warqadda oo uu ku saxiixnaa ku xigeenka hogaamiyaha Taliban, Mullah Abdul Ghani Baradar, ayaa looga digay in xulafadda aysan ka oggolaan doonin cidna inay farageliso arrimaha dalka Afghanistan.

"Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ma faragalinayso arrimaha gudaha ee dadka kale, sidoo kale ma rabto inay waxyeello u geysato dadka kale, mana u oggolaanayso cid kale inay farageliso arrimaheenna. Difaaca dhulkeena iyo dadkeenu waa xaqeena sharciga ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay warqadda.

Heshiiskii Doha wuxuu xeerinayaa in Taalibaan ay ka go'an wadahadal nabadeed oo lala yeesho dowladda Afghanistan iyo in si weyn loo yareeyo rabshadaha".

Taa bedelkeeda, Mareykanku wuxuu ballanqaaday inuu la baxayo dhammaan ciidamada caalamiga ah bisha Abriil ee sannadkan.

Si kastaba ha noqotee, iska-hor-imaadyada rabshadaha wata ayaa ka sii socda Afgaanistaan.

Maamulka cusub ee Mareykanka ee uu madaxweynaha ka yahay Joe Biden ayaa dib u eegis ku sameynaya heshiiskii ay la saxiixdeen kooxda Taalibaan bishii Febraayo 2020, kaasoo looga gol lahaa in lagu soo afjaro dagaalkii ugu dheeraa taariikhda Mareykanka galay.

Isniintii, Xoghayaha Guud ee NATO, Jens Stoltenberg, ayaa wuxuu sheegay in isbahaysigu uusan ka bixi doonin Afghanistan ka hor inta “waqtiga la gaarin”. Tani waxay shaki ku abuurtay Taliban waana sababtay keentay in ay daabacaan warqada furan oo ay baaqa ugu direen Washington.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM