Taliban oo weerartay xabsi ku yaalla Afganistan

Image

14 September, 2015(GO)-Weerar saaka aroortii lagu qaaday xabsi ku yaalla gobolka Ghazni ee Afanistan ayaa waxaa ku dhintay 4 ka mid ah ciidamda Boliska dalkaasi, halka lagu dhawacay 7 kale.

Weerarka waxaa fuliyay ururka Taliban sida uu xaqiijiyay Afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo Zabihullah Mujaahid oo sheegay in mid ah dagaalyahanadooda isku qarxiyay albaabka xabsiga.

Taliban dagaalka waxaa uga dhintay saddex ka mid ah kooxdii weerarka qaaday.

Xabsiga ayaa laga sii daayeen 350 maxbuus sida laga soo xiganayo ilo wareedyo ka agdhawaa goobta falku ka dhacay.

Ragga weerarka fuliyay ayaa ku labisnaa dhar ciidan sida uu sheegay ku-xigeenka guddomiyaha gobolka Ghazni Maxamed Cali Axmadi.

GAROWEONLINE.

Related Articles

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM

Sucuudiga: Saddex qof oo ku dhintay weerarro Xuutiyiintu ku qaadeen garoomo diyaaradeed

War-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in weerarkii lagu qaaday…

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 02:40AM