Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas
ISTANBUL – Madaxa Hay'adda Sirdoonka Qaranka Turkiga (MIT), Ibraahim Kalin, ayaa magaalada Istanbul kula kulmay Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasadda Xamaas, Khaliil Al-Hayya, iyo wafdi uu hoggaaminayay, iyagoo ka wada hadlay dadaallada lagu hirgelinayo wejiga labaad ee qorshaha nabadda Gaza, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.
Sida ay qortay wakaaladda Anadolu, kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshe-hawleedka loogu gudbayo marxaladda labaad ee heshiiska nabadda, iyadoo labada dhinac ay carrabka ku adkeeyeen in Xamaas ay si wanaagsan uga jawaabtay hindisaha la soo jeediyay.
Labada dhinac ayaa walaac ka muujiyay in Israa'iil ay sii xoojisay weerarradeeda militari ee Marinka Gaza halkii ay ka aqbali lahayd qorshaha cusub ee nabadda, waxayna ugu baaqeen beesha caalamka inay si degdeg ah u qaaddo tallaabooyin lagu joojinayo weerarrada.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xaaladda Daanta Galbeed ee la haysto iyo Bariga Quddus, iyadoo la sheegay in ay sii kordhayaan xadgudubyada ka dhanka ah Falastiiniyiinta, ballaarinta deegaamaynta Israa'iil iyo rabshadaha ay geysanayaan dadka deggan deegaannadaas.
Waxaa kale oo laga hadlay xaaladda bani'aadantinimo ee Gaza, iyadoo Turkigu uu dib u xaqiijiyay taageeradiisa siyaasadeed iyo dadaallada lagu kordhinayo gargaarka bani'aadantinimo ee la gaarsiinayo shacabka ku nool deegaanka.
Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza, loo joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah Falastiiniyiinta, loona kordhiyo gargaarka bani'aadantinimo.
Sidoo kale, ka qaybgalayaashu waxay mar kale xaqiijiyeen iskaashiga ay Turkiga, Qatar iyo Masar ku bixinayaan dadaallada lagu doonayo in nabad waarta looga hirgeliyo Gaza.
Wafdiga Xamaas ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, dadaallada Ankara ay ugu jirto taageeridda geeddi-socodka nabadda ee Gaza.
GAROWE ONLINE