Tallaalka Ebola oo rajo wanaagsan laga muujiyey

Image

November 27, 2014 (GO)- Khubarada caafimaadka ayaa guul ku tilmaamay natiijo hordhac ah oo kasoo baxday tallaalka weli tijaabada ku jira ee loo diyaarinayo cudurka dilaaga ah ee Ebola.

Labaatan qof oo mutadawaciin ah oo dalka Maraykanka dhexdiisa lagu siiyey tallaalka ayaa la ogaadey in jirkoodu adkeysi u yeeshay inuu aqbalo iskana difaaco fayruska sababa Ebolaha.

Haddii talaalkaasi noqdo mid taaba-gal ah waxaa marka ugu horeysa lagu duri doonaa tobannaan kamid ah shaqaalaha caafimaadka ee ka hawlgala wadamada galbeedka Afrika ee cudurkaasi faraha ba'an ku hayo.

Todobaadyo kahor xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in heerka fidista cudurka Ebola hoos u dhacay isagoo ku baaqay in caalamku si wadajir ah isaga kaashado ka hortagga iyo weliba dabar goynta fayruska Ebola.

Laga soo bilaabo bishii March ee sanadkan 2014, waxaa cudurka Ebola u geeriyoodey in ka badan 5,000 oo qof, dadkaasoo badankoodu ku dhintay dalalka Liberia, Sierra Leone, Nigeria iyo Guinea.

Waxaa xusid mudan in fayruska Ebola gaarey dhowr qofna  ku diley dalka Maraykanka. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM