Talyaaniga oo si weyn looga xusay Festa della Repubblica

Image
Image
Image
Warka ugu weyn ee sanadkan, si kastaba ha ahaatee, waa soo celinta dhoolatuska militariga.

ROMA, Italy - Talyaaniga ayaa Khamiista maanta ah wuxuu u dabaaldegay Festa della Repubblica, maalinta Jamhuuriyadda Talyaaniga, taasoo ay wehliso fasax dadweyne oo hal maalin ah.

Xuskan waa 76-sano guuradda kasoo wareegatay markii Talyaaniga uu u wareegay Jamhuuriyad 1946-dii isla markaana uu ka soo horjeetay boqortooyadii sumcadda ka jabisay dagaalkii labaad ee adduunka.

Madaxweyne Sergio Mattarella oo hogaaminaya munaasabadda ayaa ubax ka dhigay qabriga askariga aan la garanayn kaasoo ku aasan taallada Vittoriano ee Piazza Venezia.

Mid ka mid ah dhacdooyinka ugu caansan ee la xidhiidha Festa della Repubblica ee Rome waa Frecce Tricolori, muuqaal cajiib ah oo hawada sare ah kaasoo ay ka qeyb-qaadanayaan diyaarado dagaal oo dul heehaabaya bartamaha magaalada, soona saaraya tubbooyin leh midabada casaanka, caddaanka iyo cagaarka ee calanka Talyaaniga.

Warka ugu weyn ee sanadkan, si kastaba ha ahaatee, waa soo celinta dhoolatuska militariga, oo la baajiyay labadii sano ee la soo dhaafay masiibada COVID-19 awgeed.

Dhoolatuska waxaa lagu qabtey wadada Via dei Fori Imperiali, oo ka soo horjeeda dhabarka dambe ee Colosseum, waxaana ka qeyb-qaatay ciidamada badda iyo booliiska.

Dhacdadan ayaa sababtey xiritaanka wadooyin badan oo muhiim u ahaa isu-socodka dadweynaha iyo in la xadido dhaqdhaqaaqa meelaha qaarkood si loo sugo ammaanka madaxda xaadirtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM