Thailand oo yeelatay Ra’iisul wasaarihii ugu da’da yaraa

Image
Paetongtarn, oo 37 jir ah, ayaa noqonaysa hogaamiyihii saddexaad ee Thailand oo ka soo jeeda qoyska Shinawatra.

LONDON, UK - Baarlamaanka Thailand ayaa u doortay Paetongtarn Shinawatra, oo ah gabadha ugu yar ee uu dhalay hogaamiyihii hore ee Thaksin Shinawatra, inay noqoto ra'iisul wasaaraha cusub ee dalka Jimcaha maanta ah.

Paetongtarn, oo 37 jir ah, ayaa noqonaysa hogaamiyihii saddexaad ee Thailand oo ka soo jeeda qoyska Shinawatra, ka dib aabaheed oo afgambi xilka lagaga tuuray ka hor intii aanay dib uga soo laaban sannadkii hore, iyo eedadeed Yingluck Shinawatra, oo musaafuris ku nool.

Waa hogaamiyaha xisbiga talada haya ee Pheu Thai balse ma ahayn xildhibaan la doortay.

Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa labo maalmood ka hor xilka ka qaaday ra’iisul wasaarihii ugu dambeeyay sababo la xiriira ku xad-gudub dhanka anshaxa ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM