Therese May oo wajaheysa caqabado la xiriira Brexit

Image

LONDON - Isku dayga Ra’iisul wasaare Therese May ay baarlamanka dalkaas uga dhaadhicineyso inay ansixiyaan heshiis ay Britain kaga baxeyso Midowga Yurub ayaa wajahaya caqabad hor leh, kadib markii maanta uu is-casilay wasiirkeedii Brexit, Dominic Raab.

Raab ayaa bayaan uu soo saaray oo uu ku muujinayo sida uu heshiiska uga soo horjeedo ku sheegay in isaga oo miir qaba uusan taageeri karin qodobada heshiiska.

Raab ayaa si gaar ah uga soo horjeeda qodob muhiim ah oo meesha ka saaraya xuduud muuqata oo ay yeeshaan Waqooyiga Ireland oo ka tirsan Britain iyo Jamhuuriyadda Ireland oo ka mid ah Midowga Yurub.

Waxa uu sheegay in heshiiskan uu Britain ka dhigayo mid aan lahayn awood iyo sharci ay ku maamusho xuduudaheeda, islamarkaana uu helis gelinayo heshiis ganacsi o mustaqbalka la gaaro.

Kadib is-casilaadda Raab, qiimaha lacagta giniga ee Britain ayaa si xooggan hoos ugu dhacday marka loo eego dollar-ka Mareykanka.

May ayaa hadda wajahaysa shaqo adag oo ah inay baarlamanka ka dhaadhiciso inay ansixiyaan heshiiska, oo si rasmi ah Britain uga saaraya Midowga Yurub 29-ka March, 2019.

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM