Tillerson oo cambaareeyay Xaaladda Deg Dega ah ee lagu soo rogay Itoobiya

Image

ADDIS ABABA - Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka , Rex Tillerson, ayaa cambaareeyay xaaladda degdega aha ee ay xukuumadda Itoobiya ku soo rogtay dalkaasi.

Mr Tillerson, ayaa ku baaqay in dadka la siiyo xurriyad balaaran. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka , Rex Tillerson ayaa hadalkan ka jeediyay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Waa lugtiisii kowaad ee booqasho uu ku mari doono shan dal oo ku yaalla qaaradda Afrika. Mr Tillerson ayaa soo dhaweeyay siideyntii dhawaan ay dowladda Itoobiya xabsiga ka siideysay maxaabiis.

Waxa uu intaa ku daray in uu rajaynayo in dadka loo ogolaan doono in si nabad ah ay u mudaaharaadaan. Ku dhawaad muddo saddex sano ah waxaa dalka Itoobiya ka socday dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo.

Qaar ka mid ah dibadbaxyadaasi ayaa waxay isu badaleen rabshado waxaana xabsiga la dhigay kumannaan qof. Dibadbaxyada ayaa inta badan ka dhacayay gobolada oramada iyo Amxaarada.

Dibadbaxyada muddada dheer ka socday dalka Itoobiya ayaa waxay horseedeen in dowladda ay xabsiyada ka siideyso dad dhanka siyaasada u xirxirnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM