Tirada dadka u dhintay cudurka Coronavirus oo aad u korodhay

Image

CAALAMKA | Tirada dadka ku dhintay cudurka Coronavirus ee dalka Shiinaha ayaa dhaaftay 1000 qof, waxaana sare usii kordhaya walaaca laga qabo heerka uu la eg yahay dhaawaca uu gaarsiiyey dhaqaalaha dalka.

Shirkadaha dalka Shiinaha qaarkood ayaan weli shaqada kusoo laaban kadib markii fasax dheeri ah ay siiyeen shaqaalahooda dabaa-deggii sanadka cusub kadib, halka kuwa kalena ay dowladda weydiisteen balaayiin dollar oo deyn ah, si ay usii shaqaayaan.

Shirkadaha qaarkood ayaa sidoo kale shaqada ka eryey dad badan, inkasta oo ay jirto in madaxweyne Xi Jinping uu shacabka u ballan-qaaday inaysan jiri doonin shaqo ka eryid badan.

Dhinaca kale, la-taliyaha sare ee dowladda ee cudurkan, ayaa sheegay inuu rajeynayo in faafitaanka cudurkan uu dhammaado bishan February.

“Xilliga uu joogsan lahaa fiditaanka cudurka waxaan filayaa inay noqoto bartamaha ama dhammaadka bishan,” ayuu yiri Zhong.

Waxa uu sheegay in tirada kiisaska cusub ee cudurkan ay hoos u dhacday gobollada qaar.

Guddiga Caafimaadka Qaranka ayaa dhinaca kale sheegay Talaadadii in 108 qof oo cusub ay u geeriyoodeen cudurka, taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 1016 qof.

Wakaaladaha

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM