Tirada dhimashada Coronavirus ee guud ahaan caalamka oo korortay

Image

LONDON, UK – Cilmi-baareyaasha Jaamacadda Johns Hopkins ee Mareykanka ayaa soo wariyey in ay si baaxad weyn u korortay tirada dhimashada Coronavirus ee guud ahaan caalamka.

Warbixin ay soo saareen ayay daboolka kaga qaadeen in kiisaska ay saacadihii lasoo dhaafey gaareen 755,591 [todoba boqol konton iyo shan kun, sagaal sagaashan iyo kow].

Jaamacadan oo xogaha kasoo uruurisa Hay'adda Caafimaadka Aduunka iyo kuwa kale oo caalami ah ayaa intaas ku dartay geerida ay kor-u-dhaafeyso 40,000 [afartan kun] oo ruux.

Ilaha ay jaamacada macluumaadyadda kasoo xigato waxaa kamid ah saxaafada caalamka iyo dowladaha.

Dadka ka bogsaday cudurka oo si hoose u socota ayaa waxay ka badan tahay boqol kun, taasoo muujineysa heerka khatarta Covid-19, wallow dadka dhimanaya ay da' yihiin.

Mareykanka ayaa ah dalka laga soo wariyey kiisaska ugu badan xili Talyaaniga uu horkacayo dhimashada.

Soomaaliya ayaa illaa iyo haatan laga soo sheegay saddex kiis, kuwaasoo ku kala dhacay muwaadiniin ka soo safray Talyaaniga iyo Shiinaha, halka kiiska saddexaad uu yahay qof ajnabi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbiga cusub ee "American Party"

Muranka ka dhashay miisaaniyadda qarashka dowladda ayaa sababay kala fogaansho weyn oo u dhexeeya Trump iyo Musk.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 05:49AM