​Tirada dhimashada weerarka Baqdaad oo korodhay

Image

BAQDAAD- Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax maanta xaafad Shiicadu ku badantahay oo ku taalla magalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ka dhacey Booliska magaalo madaxda dalkaas waxay sheegeen in 93 qof ku dhimatey labo qarax.

Daryanka qarax ayaa ruxay suuqa oo ku yaalla xaafadda Sadr, xilli ay dadka shaqo tagayeen aroortii hore.

Qaraxa hore oo diley 64 qof dhaawaceyna 64 ayaa ka dhacey goob ay ku badan tahay gawaarida xaafada shiicada dagan tahay ee la yiraahdo Sadr, halka qarax kale ka dhacey bar kontrool xaafad ku taal galbeedka Baqdaad ee la yiraahdo Kadhimiya.

Mas'uuliyadda weerarkan, waxaa sheegatay kooxda Daacish, iyagoo xusay inuu fuliyeen naftood hurayaal ka tirsan ururkaan. 

Isbitaalada iyo saraakiisha amniga ayaa sheegay inay ka cabsanayaan in dhimashada ay kororto. 

Kooxda ISIS iyo ururada kale ee Suniyiinta ayaa inta badan weeraro argoosi ah ka gaysta magaalada Baqdaad halkaasoo ku badan yihiin Shiicada ka arrimisa dalkaas.

Ciidamada Ciraaq oo u badan Shicada ayaa dagaalo kula jira kooxaha Suniyiinta ah ee ka arrimiya inta badan Woqooyiga iyo Galbeedka dalkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM