Tirada kiisaska Covid-19 ee dunida oo dhaafay 100 milyan

Image

WASHINGTON, USA – Tirada kiisaska Coronavirus ee adduunka oo dhan laga diiwaan-geliyey Talaadadii waxay kor u dhaafeen 100 milyan tan iyo bilowgii cudurka COVID-19, sidda laga soo xigtay tirakoobka Jamaacada John Hopkins.

Tirada kiisaska ayaa gaadhay 100,164,399, tirada dhimashaduna waxay mareysaa 2,153,477 halka bukaanada la soo kabsadayna ay kusii sii cagacageynayaan 55,295,674, sidda lagu sheegay macluumaadka ay daabacday Jaamacadda.

Tirada rasmiga ah ee kiisaska la diiwaangeliyey tan iyo markii ugu horreeysey ee cudurku ka dilaacay Shiinaha, dabayaaqadii 2019, waxay u taagan tahay uun qayb ka mid ah tirada dhabta ah ee safmareenka laga helay adduunka oo dhan.

Wadamo badan ayaa la daahay hirgalinta baaritaan nidaamsan, qaarna waxay sii wadaan tijaabinta kaliya bukaanadda ugu taagta daran ee ku nool dalalkooda.

Dalalka ugu saboolsan, dhanka kale, waxay kaliya leeyihiin awood baaritaan xadidan – sababo ku aadan dhaqaalahooda oo aad u hooseeya.

Mareykanka, oo dhaafay 25 milyan kiis oo la xaqiijiyay dhammaadkii usbuucii hore, ayaa weli ah waddanka ugu badan ee uu ku faafay fayruska.

Hindiya ayaa ku jirta kaalinta labaad oo leh 10.7 milyan oo kiis, Brazil saddexaad oo leh 8.9 milyan oo kiis, Russia afraad oo leh 3.7 milyan, iyo Boqortooyada Ingiriiska oo diiwaan-gelisay 3.7 milyan.

Dunida Carabta, Ciraaq ayaa leh tirada ugu badan ee laga soo sheegey COVID-19 kisaska oo gaaraya 615,380, waxaa ku xiga Morocco 467,493, Saudi Arabia oo 366,807, Jordan 322,241 iyo Lubnaan 285,754, sidda xoguhu caddeynayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM

Trump oo Ku Dhawaaqay Dhammaadka Dagaalka Iran, Israa’iil oo lagala tashan

Horumarkan ayaa imaanaya iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay jireen iska horimaadyo iyo xiisado sii kordhayay oo u dhexeeyay Mareykanka.

  • Caalamka

    12-06-2026

  • 12:20PM