Tirada shacabka Falastiin ee Yahuuda dishay oo gaartey 39,583 ruux

Image
Tirokoobkan ayaa ku saleysan tan iyo markii Israa’iil ay bilaawday duullaanka Gaza 7-dii Oktoobar.

DOOXA, Qadar - Ugu yaraan 39,583 Falastiiniyiin ah ayaa la dilay tan iyo markii Israa’iil ay bilaawday duullaanka Gaza 7-dii Oktoobar, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Ilaa 91,398 kale ayaa ku dhaawacmay 10-kii bilood ee uu socday dagaalka khasaaraha badan dhaliyay, sida ay wasaaraddu ku sheegtay bayaan.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay oo kaliya ay dileen 33 qof 118 kalena ay dhaawaceen. Hase ahaatee, maamulka Yahuuda wali kama jawaabin warkan.

Dhanka kale, Ciidamada Israel ayaa duqeeyay teendhooyin ay degenaayeen dad Falastiiniyiin ah oo ku barakacay barxadda cisbitaalka Shuhadada ee Al-Aqsa ee magaalada Deir el-Balah, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan saddex, 18 kalena way ku dhaawacmeen.

Weerarkan ayaa yimid saacado kadib markii weerar lagu qaaday Iskuulka magaalada Gaza oo ay ku dhinteen 17 qof.

Faransiiska ayaa ku biiray Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ku boorinta muwaadiniintooda inay ka baxaan Lubnaan. In ka badan toban waddan ayaa soo saaray la-talin xagga socdaalka ah iyada oo ay jirto khatarta dagaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM