Tobban lagu dilay nawaaxiga caasimada waddanka Mexico

Image
Rabshado ayaa ragaadiyay dowladda madaxweyne Andres Manuel Lopez Obrador oo balanqaadey ciribtirka maafiyada.

MEXICO CITY, Mexico - Saddex ka mid ah ciidamada ammaanka ayaa ku dhaawacmay 10-qof oo looga shakisan yahay inay dambiile yihiin ayaa lagu dilay israsaaseyn ka dhacday gobolka Mexico oo xuduud la leh magaalada caasimadda ah ee Mexico City, sida ay sheegeen saraakiisha gobolka Talaadadii.

Rabshado ayaa ragaadiyay dowladda madaxweyne Andres Manuel Lopez Obrador, kaasoo ballan qaaday in uu dalka ku nabadeynayo qaab iska hor imaad yar oo wax looga qabanayo dambiyada.

In kasta oo Lopez Obrador uu dhaxlay dal horayba uga soo kabsatay heerka dilku sareeyo, tan iyo markii xafiiska la wareegay celceliska dilka sanadlaha ah ayaa ku socda wadadii uu ku noqon lahaa kan ugu sarreeya maamul kasta oo Mexico ah tan iyo markii la bilaabay diiwaannada casriga ah.

Xafiiska dacwad oogaha gobolka Mexico ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in howlgal ay ka sameeyeen degmada yar ee Texcaltitlan "koox aad u hubeysan ay weerareen" ciidamadooda ammaanka, saddex ka mid ahna ay soo gaareen dhaawacyo halis ah oo aan naf laheen.

Dhanka kale, 10-qof oo looga shakiyay inay dambiyo galeen ayaa la dilay, waxaana la xiray 7-qof oo afar ka mid ah ay dhaawacmeen, sidda ay ku warantay dowladda.

Ciidamada amaanka dowlada ayaa gacanta ku dhigay 20 hub ah oo isugu jira kuwa dheereeya, qoriga gacanta, kartoonada, shan gaari, jaakadaha aan xabadu karin, dareys u eg kuwa ciidamada iyo qalab isgaarsiineed.

Rabshadaha Mexico ayaa cirka isku sii shareeray ka dib markii madaxweynihii hore ee Felipe Calderon uu ciidanka u diray waddooyinka si ay ula dagaallamaan dadka daroogada ka ganacsada 2007-dii, iyaga oo sii daayay mowjado rabshado ah oo aan weli hoos u dhicin waxaana wehliya dhac abaabulan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo raadinayaa siyaabo uu ugu badbaadiyo TikTok in laga mamnuuco Mareykanka

Jimcihii waxay sheegeen, in calaamad madoow ay u soo bixi doonto dadka adeegsado ee cinwaannada ku leh TikTok ee gudaha Mareykanka.

  • Caalamka

    19-01-2025

  • 05:26AM

Furriin Soo Socda? Sababta Loo Hadal Hayo Obama iyo Michelle Maalmaha

Arrimahaasi waxaa sii kordhiyey maqnaanshaha Michelle Obama ee dhacdooyin waaweyn oo dhawaanahan dhacay.

  • Caalamka

    16-01-2025

  • 05:03PM