Toogasho dad lagu laayey oo ka dhacday gudaha Sacuudi Carabiya

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Ugu yaraan lix qof ayaa ku geeriyootay toogasho ka dhacday gobolka Asir ee dhaca Koonfur Galbeed ee Sacuudi Carabiya, sidda ay ku warantay Wakaalada Wararka dalkaas ee SPA.

Zaid Mohammed al-Dabbah, afhayeenka bileyska gobolkaas, ayaa xaqiijiyey in dhacdadaas oo Talaadadii lasoo wariyey ay ku dhaawacmeen saddex kale, wallow uusan tafaasiil ka bixin waxay kala ahaayeen.

Sidda ku xusan warbixinta warbaahinta dowladda, toogashada ayaa ka dhacday xarunta gobolka ee al-Amwah oo 128 KM u jirtay magaalada Khamis Mushait.

Gobolka Asir wuxuu xuduudo la leeyahay waddanka colaaduhu la dageen ee Yemen, halkaas oo falaagadda Xuutiyiinta ee Yemen taageerto ay ku xoogan yihiin.

Xuutiyiinta ayaa dhowr jeer gantaalo kusoo weeraray qaybo kamid ah Asir, iyagoo bartilmaameedsaday xarumaha Shidaalka iyo goobo kale oo dowladeed.

Bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2019-kii, sawaariiq ku dhacday garoonka diyaaradaha ee Abha ayaa sababtay dhimashada hal qof iyo dhaawac todoba.

Sacuudi Carabiya ayaa hogaaminaya howlgalka dalalka Carabta ay ka wadaan gudaha Yemen. Tan iyo markii uu bilowday duulaankaas, waxaa Riyadh ay la daalaadhaceysa joojinta weerarada kooxda Xuutiyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM