Toogasho ka dhacday meel ku dhow safaarada Ukraine ee London

Image
Image
Image

LONDON, UK – Booliska ayaa rasaas furay iyaga oo ku sugan Galbeedka London aroornimadii shalay oo Sabti hayd markaasi oo ay ka jawaabayeen isku dhac gaari.

Safaarada wadanka Ukraine ayaa sheegtay in gaariga danjiraha si ola kac ah loo dar-daray xili uu ku jiray qaybta la dhigto gawaarida ee dhismaha.

Markii uu saraakiishu yimaadeen goobta, gaari ayaa dhinacooda loosoo kaxeeyay, sida uu wariyay bileyska caasimada Ingiriiska, taasoo keentay in ay tacshiirad hubiyaan.

Saraakiisha ayaa adeegsaday qoryaha yar-yar iyo aalada dadka qalijisa kahor inta aysan soo xirin ninkii waday baabuurka.

Bileysku wuxuu tilmaamay in ninka oo aanan dhaawacmin la geeyay isbitaalka dhexe ee magaaladda London si loo daaweeyo.

"Waxaan ku sameyn doonaa baaris hadii uu ahaa fal argagixiso," ayaa laga soo xigtay sarkaal ka tirsan Booliska.

Safaarada ayaa shaacisay in shaqaalaheeda ay ku waxyeeloobeen dhacdada, oo ay baaris u socoto ilaa iyo haatan waxa laga damac-sanaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM