Donald Trump oo weeraray lataliyihiisii hore arrimaha ammaanka

Image

WASHINGTON, US - Aqalka Cad ayaa isku deyaya in uu is hortaago daabacadda buug uu qoray Lataliyihii hore ee arrimaha amniga ee Donald trump oo lagu magacaabo John Bolton. Waxay ku doodayaan in "walaac dhanka amniga ah ay ka qabaan".

Golaha Amniga Qaran waxay sheegayaan in buugga ay ku qoran tahay "sir heer sare ah" oo faafaahsan, waxayna dalbanayaan in macluumaadkaas laga saaro. Balse Bolton ayaa beeniyay arrintaas.

Qeyb ka mid ah buugga waxaa la sheegay in ay ka hadleyso xiriirka ka dhexeeya Madaxweyne Trump iyo hakintii deeqadii militari ee loogu talagalay Ukraine, iyadoo Trump uu ka dalbanayay dano siyaasadeed oo isaga muhiim u ah in ay Ukraine u sameyso.

Doodda buugan ka dhalatay waxay imaaneysaa iyadoo ay billaabanayso dhageysiga soo jeedinta xil ka qaadista Trump.

Jimcaha beri ah, senatarada Mareykanka waxay qabanayaan codeyn muhiim ah oo la xiriirta in marqaatida kiiska Trump la wareysan karo iyo in kale. Dimuquraadiyiinta waxay dalbanayaan in Mr Bolton uu ka hor marqaati furo aqalka Sanetka. Sidoo kale xubno ka tirsan Jamhuuriga waxay soo jeediyeen in ay wanaagsan tahay in la maqlo lana dhageysto lataliyihii hore ee Amniga u qaabilsanaa Trump.

Madaxweynaha wuxuu beeniyay dhammaan eedaha loo jeediyay.

Muxuu yahay warka ka soo baxay Aqalka Cad?

Agaasimaha Golaha Amniga Qaran ee Mareykanka (NSC), Ellen Knight waxay war qoraal ah oo loo diray Bolton ku sheegtay in la maro hannaanka dib u eegidda horudhaca ah, iyo in buugga "ay ku qoran yihiin macluumaad u muuqda kuwa ah sir wayn".

Sida la sheegay, waxyaabaha buugga ku qoran waxaa ka mid ah in madaxweyne Trump uu si toos ah ugu sheegay Bolton in uu hakiyo kaalmada militari ee Ukraine, si cadaadis loogu saaro in ay ka caawiyaan in doorashada 2020-ka uu ku guuleysto.

Xubno sare oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga ayaa hadda difaacaya Bolton inuu hortago aqalka sanetka, uuna halkaa ka caddeeyo wixii dhacay xilligii uu la taliyaha u ahaa Trump. Laakiin kuwa kale oo badan waxay sheegeen in loo cadeeyo tirada marqaatiyaasha ee hortagaya aqalka.

Nuqul ka mid ah buugga ayaa la sheegay in loo diray Aqalka Cad si dib u eegis loogu sameeyo.

Trump ayaa Twitter-ka ku weeraray lataliyihiisii arrimaha amniga John Bolton, wuxuuna buugga ku tilmaamay "qashin iyo been". Wuxuu tilmaamay in "WELIGII" uusan Bolton kala hadlin xiriirka ka dhexeeya kaalmada militari iyo arrimaha gudaha ee Mareykanka.

Wuxuu sidoo kale Twitter-ka ku qoray: "Haddii aan dhageysan lahaa, waxaan hadda ku jiri lahayn dagaalka lixaad ee dunida".

BBC

Related Articles

Trump oo soo jeediyay in la daadgureeyo dadka ku nool Gaza

Khubarada gobolka iyo diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa sidoo kale ka digay in qorshahan…

  • Caalamka

    27-01-2025

  • 02:48AM

Kuuriyada Waqooyi oo jawaabtii ugu adkayd siisay Maraykanka.

Gantaalada istiraatijiga ah ee biyaha hoostooda ilaa dhulka dushiisa mari kara ayaa socday 1,500 kilomitir.

  • Caalamka

    26-01-2025

  • 11:39AM