Trump: Maxamed Bin Salman wuu i jecel yahay, anna waan jeclahay

Image

Donald Trump ayaa wacad ku maray inuu "mar walba" ilaalin doono Sacuudiga haddii mar kale loo doorto xilka madaxtinimada Mareykanka doorashada soo socota ee November 2024.

Madaxweynihii hore iyo musharaxa xisbiga Jamhuuriga, oo la tartami doona Joe Biden dhawr bilood gudahood, ayaa safarkiisii ​​ugu horreeyay ee dibadda ah ku tagay Sacuudi Carabiya ka dib markii uu galay Aqalka Cad 2017.

Xiiiirka u dhexeeya Washington iyo Riyaad ayaa ahaa mid xooggan, oo si weyn uga duwanaa markii ugu horreysay ee Madaxweyne Biden uu xafiiska la wareegay. Inkastoo xiriirku uu xasiloonaa sanadihii ugu dambeeyay, Trump wuxuu ku eedeeyay maamulka Biden in Sacuudiga iyo Shiinaha xiriirkooda xumeeyay.

Shiinaha ayaa dhexdhexaadin ka sameeyay heshiis u dhexeeya Sacuudiga iyo Iran si loo soo celiyo xiriirkii sanadkii hore.

Maamulka Biden wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Sacuudi Carabiya inay "la safan yihiin Ruushka" oo ay si ula kac ah u kordhiyaan wax soo saarka saliidda sannadkii hore.

"Ma nalama jiro Sacuudiga," Trump ayaa ku yiri wareysi uu siiyay Bloomberg Businessweek. "Waxay la safteen Shiinaha. Laakiin ma rabaan inay la joogaan Shiinaha. Waxay rabaan inay nala joogaan.”

Trump ayaa sidoo kale eeda dusha u saaray maamulka Obama. Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Brack Obama ayaa loo arkayay in uu garab qabow u jeedinayo dunida Sunniga gaar ahaan Sacuudiga oo doonaya in la yareeyo cadaadiska saaran Iran.

Trump ayaa sidoo kale ammaanay dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan, isagoo daaha ka qaaday in labadoodu ay wada hadleen lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Wareysigiisa, Trump wuxuu ku sheegay inuusan ka walwalsanayn in kororka saliidda iyo gaaska ee Mareykanka ay ka careysiiso Sacuudi Carabiya ama MBS. "Wuu i jecel yahay, waan jeclahay isaga," Trump ayaa laga soo xigtay isagoo leh. "Waxay had iyo jeer u baahan doonaan ilaalin… ma ahan kuwo si dabiici ah loo ilaaliyo."

Trump wuxuu raaciyay: "Mar walba waan ilaalin doonaa Sacuudiga."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dad ku dhintay diyaarad ku burburtay dalka Kazakhstan

Aktau waxay ku taal xeebta ka soo horjeeda ee Badda Caspian ee dalalka Asarbayjan iyo Ruushka.

  • Caalamka

    25-12-2024

  • 01:02PM

Mareykanka oo ka laabtay $10 milyan oo dul-dhigtay madaxa Hogaamiyaha Suuriya

Beesha caalamku waxay sidoo kale ku degdegtay inay taageerto mabaadi'da loogu talagalay in lagu hago dawladda cusub ee Suuriya.

  • Caalamka

    21-12-2024

  • 09:26AM