Trump oo aqbalay casuumadda Erdogan

Image

ISTNBUL, Turkey - Sarkaal Turkish ah ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu aqbalay casuumadda madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee ah inuu dalkaas booqdo.

Ibrahim Kalin, oo ah afhayeenka madaxweynaha Turkiga, ayaa kadib kulankii golaha wasiirada dalkaas ee Isniintii sheegay in Trump uu doonayo inuu safarkaas galo sanadda 2019, hase yeeshee weli aan waqti rasmi ah la goyn.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa xaqiijiyey casuumadda Trump uu Turkiga ku booqanayo 2019-ka, waxaana qoraal uu ku yiri “Inkasta oo weli wax rasmi ah la qorsheyn, madaxweynaha waxa uu diyaar u yahay kulan dhaca mustaqbalka”

Kalin ayaa sheegay in Erdogan uu casuumaddan fidiyey intii lagu guda jiray wada-hadal dhanka taleefonka ah oo labada madaxweyne dhex-maray dhammaadkii toddobaadkii tagey, kaasi oo oo ay uga wada hadleen bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Syria.

Trump ayaa axaddii qoraal uu twitter soo dhigay ku sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen qorshaha ciidamada Mareykanka ay uga baxayaan Syria kadib wada-hadal dheer oo miro-dhal ahaa oo ay ku yeesheen taleefonka.

Related Articles

Saameynta Safarka Trump ee Shiinaha: Maxaa laga filan karaa?

Maalgashadayaasha caalamiga ah, ayaa ka walwalsan in haddii lagu heshiis waayo canshuuraha cusub.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 11:10AM

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM