Trump oo bedelay Mowqifkiisa Sacuudiga ee Kiiska Khashoggi

Image

WASHINGTON - Madaxweyne Donald Trump ayaa si weyn u taageeray dowladda Sacuudiga, xilli ay Bulshada Caalamka ay aad ugu cambaareysay Riyadh dilka wariye Jamal Kashoggi.

Ka hor inta uusan u ambabixin fasax sannadeedka Mareykanka ee loo yaqaano Thanksgiving, ayuu madaxweyne Trump u sheegay wariyaasha in Mareykanka oo dhabarka u jeediya Sacuudiga ay noqoneyso qalad aad u weyn.

Waxaa kale oo uu Trump sheegay ammaanka qaranka iyo danaha dhaqaale ee Mareykanka ay aad uga weynyihiin walaaca ay qabaan kooxaha xuquuqda aadanaha.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa tusaale usoo qaatay mucaaradnimada boqortooyada Sacuudiga ee Iran iyo hubka ay ka iibsato Dowladda Mareykanka, taasi oo uu ku sheegay in Mareykanka ka abuurtay boqollaal kun oo shaqo iyo maalgelin ku kaceysa balaayiin doollarka Mareykanka ah.

Mar la weydiiyay sida uu u arko warbixinta CIA-da ee sheegeysa in Maxamed Bin Salman uu ogaa ama amray dilka wariye Jamal Kashikji ayuu madaxweyne Trump ku jawaabay, in laga yaabo in ay dhici karto ama aysan dhici karin.

Ma ahan marki ugu horreysay uu Trump difaaco Sacuudiga, tan iyo marki ay billaabatay shakiga ah in Sacuudigu ka danbeeyo khaarijinti Istanbul lagu khaarijiyay Kashoggi oo magangalyo ku daganaa Mareykanka.

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM