Trump oo Canshuurro Cusub Dul Dhigay Mexico, Canada & Shiinaha
Washington, D.C. – Madaxweyne Donald Trump ayaa wajahaya cambaareyn baahsan kadib markii uu saxiixay amarro fulineed oo cusub oo canshuuraha culus ku soo rogaya alaabaha laga keeno dalalka deriska la ah Mareykanka, Mexico iyo Canada, iyo sidoo kale Shiinaha oo ah dalka ugu weyn ee badeecadaha u dhoofiya Mareykanka.
Axaddii, waxaa sii xoogaystay dhaliilaha ka dhanka ah hoggaamiyaha Mareykanka, maalin kadib markii uu saxiixay saddex amar oo canshuuraha lagu kordhinayo: 25% badeecadaha laga keeno Mexico iyo Canada, iyo 10% dhammaan alaabaha laga keeno Shiinaha.
Trump ayaa ku sababeeyay go’aankan baaxadda leh xaalad deg-deg ah oo la xiriirta fentanyl-ka ( drugs) iyo tahriibta sharci-darrada ah oo uu sheegay inay kusoo qulqulayaan Mareykanka.
Mexico:
Madaxweynaha Mexico, Claudia Sheinbaum, ayaa amar ku bixisay in tallaabooyin jawaab celin ah laga qaado go’aanka Trump. Qoraal dheer oo ay soo dhigtay barta X (hore Twitter), ayay sheegtay in dowladdeedu doorbidayso wadahadal halkii ay ka geli lahayd is-mariwaa la xiriira ganacsiga Mareykanka, balse ay qasab noqotay in Mexico ay ka jawaabto.
“Waxaan amray wasiirka dhaqaalaha inuu dhaqan geliyo Qorshaha B ee aan muddo soo diyaarinaynay, kaas oo ka kooban canshuurro iyo tallaabooyin kale oo aan cashiir ahaan uga difaacayno danta Mexico,” ayay Sheinbaum ku tiri qoraalkeeda, iyada oo aan si cad u sheegin badeecadaha Mareykanka ee la beegsan doono.
Waxay sidoo kale gaashaanka u daruurtay sheegashada Aqalka Cad ee ah in dowladda Mexico ay xiriir la leedahay kartellada daroogada, taas oo ah mid kamid ah marmarsiinyada uu maamulka Trump u adeegsaday si uu go’aankiisa ugu cadaadiyo Mexico.
Wasiirka dhaqaalaha, Marcelo Ebrard, ayaa barta X ku sheegay in canshuuraha Trump ay si cad uga hor imaanayaan heshiiska ganacsiga Mareykanka, Mexico iyo Canada (USMCA).
“Waxay tahay weerarkii ugu weynaa ee Mexico la kulanto tan iyo intii ay xornimada qaadatay. Ma la aqbali karo, ma ogolaan karno go’aan hal dhinac ah oo sidan u weyn,” ayuu yiri Ricardo Monreal, hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee baarlamaanka Mexico.
Dhaqaalaha Mexico wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay ganacsiga Mareykanka, iyadoo boqolkiiba 30 GDP-ga dalka uu si toos ah ugu xiran yahay wax dhoofinta. Sida laga soo xigtay falanqeeyaha dhaqaalaha Gabriela Siller, Mexico waxay 2023 ku noqotay dalka ugu weyn ee wax u dhoofiya Mareykanka, iyada oo dhaaftay Shiinaha.
Sannadkii 2023, Mareykanka wuxuu dhoofiyay badeecooyin ka badan $322 bilyan oo dollar oo loo diray Mexico, halka uu ka soo iibsaday alaabo qiimahoodu kor u dhaafayo $475 bilyan, sida laga soo xigtay xogta Xafiiska Tirakoobka Mareykanka (Census Bureau).
Mexico ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo canshuuro jawaab celin ah oo u dhexeeya 5% ilaa 20% oo la saari doono hilibka doofaarka, farmaajada, khudaarta cusub, biraha warshadaysan iyo aluminium-ka, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah. Laakiin, waaxda baabuurta ayaa markii hore laga reebayaa canshuurahaas.
Canada:
Raysal Wasaare Justin Trudeau ayaa isna ku dhawaaqay tallaabooyin jawaab celin ah, oo ay kamid yihiin 25% canshuur cusub oo lagu soo rogay badeecooyin Mareykanka laga keeno, sida khamriga, cabitaannada khudradda ah, iyo khudradaha la qalajiyay, oo ay kamid tahay liinta laga keeno gobolka Florida, oo ah gobolka Trump uu asal ahaan kasoo jeedo.
Canada waxay sidoo kale bartilmaameedsan doontaa dharka, qalabka isboortiga, iyo alaabta guryaha lagu isticmaalo. Qaar kamid ah canshuurahan waxay dhaqan geli doonaan Talaadada, isla maalinta la filayo in canshuuraha cusub ee Trump ay dhaqan galaan.
Trudeau ayaa sheegay in todobaadyada soo socda ay noqon doonaan kuwo adag, laakiin shacabka Mareykanka ay sidoo kale la kulmi doonaan dhibaatooyinka ka dhashay go’aanka Trump.
“Canshuuraha Mareykanku nagu soo rogay waxay halis gelin doonaan shaqooyinka Mareykanka, iyaga oo sababi kara in warshado badan oo baabuurta soo saara iyo warshado kale ay xirmaan,” ayuu yiri Trudeau mar uu la hadlayay saxaafadda Ottawa.
“Waxay sidoo kale sare u qaadi doonaan qiimaha nolosha, oo ay kamid yihiin cuntada dukaamada lagu iibiyo iyo shidaalka aad baabuurkaaga ku shubato.”
Xaaladda oo sii adkaanaysa
Go’aanka Trump ee canshuuraha adag wuxuu abuuray jahawareer siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo saameyn ku leh dalalka la jaarka ah, isagoo sidoo kale fursad siin kara dalal kale oo doonaya inay xiriir ganacsi la yeeshaan Mexico iyo Canada.
Iyadoo Washington iyo xulafadeeda ay hadda ku jiraan dagaal diblumaasiyadeed oo xagga ganacsiga ah, su’aasha ugu weyn waxay tahay: ma waxay xaaladdu isku rogi doontaa dagaal ganacsi oo sii fogaada, mise wada-xaajoodka ayaa xal keeni doona?
GAROWE ONLINE