Trump oo dalalka ka dalbaday $1 bilyan si ay ugu biiraan guddigiisa nabadda Gaza

Image

WASHINGTON – Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa shaaciyay xubnaha muhiimka ah ee ka mid noqon doona “Guddiga Nabadda”, kaas oo mas’uul ka noqon doona maamulka ku meel gaarka ah iyo dib u dhiska Qasa, tallaabo qayb ka ah qorshaha nabadeed ee Mareykanku hoggaaminayo, taasoo dhalisay dhaleeceyn ka timid Israel iyo dhinacyo kale.

Guddigan fulinta, oo uu madax ka yahay madaxweyne Donald Trump, ayaa qeyb ka ah wajiga labaad ee qorshihiisa nabadeed, waxaana horey loo magacaabay xubno ay ka mid yihiin Tony Blair, Jared Kushner, iyo Steve Witkoff, oo la filayo inay ka shaqeeyaan kormeerka iyo maamulka guud ee dib u dhiska Gaza.

Sidoo kale, Guddiga Fulinta Gaza, oo ka shaqeyn doona adeegyada iyo maamulka maalinlaha ah ee Qasa, ayaa lagu sheegay inay ku jiraan xubno caalami ah sida Hakan Fidan, wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Ali Thawadi, diblomaasi ka tirsan Qatar, iyo Hassan Rashad, madaxa sirdoonka Masar, iyadoo xubno kale la filayo in la shaaciyo todobaadka dambe intii lagu guda jiray shirweynihii Davos.

Aqalka Cad ayaa sheegay in guddigu uu taageeri doono awoodda maamul, dib u dhiska, soo jiidashada maalgashiga, iyo xiriirka goboleed si Gaza looga soo celiyo xasilooni ka dib dagaallo sannado badan socday.

Israel ayaa si adag uga horyimid guddigan, iyadoo sheegtay in magacaabista aan lala xiriirin mas’uuliyiinta Israel, isla markaana ay ka hor imanayso siyaasaddeeda, gaar ahaan xubnaha Turkiga iyo Qatar. Dhaleeceyn la mid ah ayaa ka timid kooxda hubeysan ee Falastiiniyaanka ah ee Jihadka Islaamiga, oo ku eedeeyay guddiga in uu u adeegayo danaha Israel oo uu dhaawacayo heshiiska joojinta dagaalka.

Guddiga Nabadda iyo guddiyada la xiriira ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka ciyaaraan maamulka ku meel gaarka ah ee Gaza, inkastoo su’aalo ay weli ka taagan yihiin awooda muddo-dheer iyo taageerada caalamiga ah ee guddiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM