Trump oo is-babardhigay Covid-19 iyo weerar dhimasho badan dhaliyey

Image

WASHINGTON, US - Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu Mareykanka u saameeyey si ka darran dhacdadii Pearl Harbor ee daaglkii labaad ee adduunka iyo weeraradii argagixiso ee daaraha mataanaha.

"Waxaa inoo soo maray weerarkii ugu xumaa ee dalkeena uu arko. Tani xaqiiqdii waa weerarkii ugu xumaa ee abid nasoo mara,” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha isaga oo ku sugan Aqalka Cad.

Wuxuu raaciyey: "Tani way ka xun tahay Pearl Harbor, tani way ka xun tahay Xaruntii Ganacsiga Adduunka".

Weerarkii lama filaanka ahaa ee 1941-kii ay Japan ku qaadeen saldhigga ciidamada badda Pearl Harbor ee gobolka Hawaii ayaa Mareykanka ku qasbay inuu galo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Weeraradii Argagixso ee September 11, 2001, ayaa dilay 3,000 oo qof oo badankood ku suganaa Xaruntii Ganacsiga Adduunka ee New York, taasi oo horseeday dagaal labaatan sano socda oo Mareykanka uu ku qaaday Iraq iyo Afghanistan.

Illaa hadda, 70,000 oo qof oo Mareykan ah ayaa u dhintay cudurka Coronavirus, halka tallaabooyinka la qaaday ee kala fogaanshaha bulshada ay xireen inta badan dhaqaalihii Mareykanka.

Guud ahaan Caalamka, cudurka ayaa haleelay ku dhowaad afar milyan oo ruux; dad ka badan 250-kunna wuu galaaftay, waxaana ka caafimaaday in ka badan hal milyan iyo bar oo ruux; illaa iyo haatanna daawo rasmiya looma helin.

GO + VOA

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM