Trump oo ka degay Vietnam kahor shirka Kim [Sawirro]

Image
Image
Image

HANOI, Vietnam - Madaxwaynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa gaarey caasimada dalka Vietnam kahor shir madaxeedka 2aad ee uu la leeyahay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un.

Diyaaradii siday Trump ee Air Force One ayaa cago dhigatay garoonka diyaaradaha magaalada Hanoi 3-da habeenimo waqtiga maxaliga ah kadib socdaal maalin qaatay oo uu kasoo duushay Washington.

Trump ayaa gudaha garoonka salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Vietnam kahor inta aan loo galbin Hotel-ka loo qorsheeyay.

Kim ayaa iska xaadiriyey magaaladda Hanoi xili hore oo Talaadada maanta ah, isaga oo la kulmay soo dhaweyn diiran.

Kahor shirka gaarka ah, labadoona waxay siyaabo gooni-gooni ah ay kula fariisan doonan mas'uuliyiin ka tirsan dowlada Vietnam, oo kala hadlayaan arrimaha ku xeeran shirka madaxeedka sida wayn loo dhowrayo.

Labada hogaamiye ayaa ku kulmi doona casho sharafeed qabsoomeysa fiidnimada Arbacada ah, markaasi oo kadib kulamadooda gaarka ah uu bilaaban doono.

Muddo labo maalmood ah ayaa loo qorsheeyay shir madaxeedka Trump iyo Kim, kaasi oo la filayo in diiradda lagu saarayo Barnaamijka Nukliyeer-ka kaasi oo Mareykanka doonayo in Kuuriyada Waqooyi ay joojiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM