Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Image

Washington, Luulyo 12, 2025 – Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in uu saaray canshuuro cusub oo gaaraya 30% oo lagu soo rogay Midowga Yurub iyo Mexico — laba kamid ah lamaanayaasha ganacsi ee ugu waaweyn ee Maraykanka.

Trump ayaa ku shaaciyay go’aankan warqado uu ku baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo uu ugu diray hoggaamiyeyaasha labada dal.

Warqadda uu u diray Madaxweynaha Mexico, Trump wuxuu ku ammaanay dadaallada Mexico ee lagu xakameynayo tahriibayaasha aan sharciyeysnayn iyo daroogada fentanyl ee ku qulqulaya xuduudda, balse wuxuu sheegay in Mexico aysan weli si buuxda uga hortagin waxa uu ku tilmaamay “Goob Daroogo Lagu Ganacsado oo Waqooyiga Ameerika Noqotay.”

Dhanka kale, warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka uu la leeyahay Yurub uu khatar ku yahay amniga qaranka.

“Sanado badan ayaan fursad u helnay inaan ka wada hadalno xiriirka ganacsi ee naga dhexeeya Midowga Yurub, balse waxaan go’aansanay in aan ka baxno khasaaraha ballaaran, muddo-dheer, iyo mid joogto ah ee naga soo gaara xiriirkaas. Tani waxaa keentay siyaasadaha canshuurta iyo xannibaadaha ganacsi ee aad nagu hayseen,” ayuu Trump ku yiri warqadda. “Xiriirkeenna ganacsi wuxuu nasiib darro ahaa mid aan is-dhaafsi ku dhisnayn.”

Go’aankan ayaa la filayaa inuu kiciyo xiisado cusub oo dhanka ganacsiga ah, iyadoo horey dalal badan uga falceliyeen siyaasadihii ganacsi ee Trump intii uu xukunka hayay. Ma jiro wax jawaab degdeg ah oo kasoo baxay Midowga Yurub ama Mexico marka laga hadlayo tallaabadan cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM