Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay qorshe cusub oo uu ku kordhinayo canshuuraha ganacsiga ee dalalka Yurub, haddii aan la gaarin heshiis ku saabsan in Mareykanku helo Greenland, oo ah dhul hoos yimaada Denmark.
Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland tan iyo markii uu xilka dib ugu soo laabtay, ayaa toddobaadyadii u dambeeyay xitaa tilmaamay in arrintaasi ay gaari karto heer amni iyo mid ciidan, isagoo ku sababeeyay danaha qaranka Mareykanka.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social, Trump wuxuu ku sheegay in Mareykanku muddo dheer ka tanaasulayey canshuuro uu saari lahaa dalalka Yurub, gaar ahaan Denmark iyo Midowga Yurub, balse hadda ay tahay “in la is-weydaarsado danaha,” isagoo ku dooday in quwadaha sida Shiinaha iyo Ruushka ay daneynayaan Greenland.
Qorshaha cusub wuxuu dhigaya in laga bilaabo 1-da Febraayo 2026, dalalka Denmark, Norway, Sweden, France, Germany, UK, Netherlands iyo Finland lagu soo rogi doono 10% canshuur dheeri ah dhammaan badeecadaha ay u dhoofiyaan Mareykanka. Haddii aan heshiis la gaarin, canshuurtaasi waxay gaari doontaa 25% bisha Juun 2026.
Isla maalinta uu Trump ku dhawaaqay tallaabadan, boqolaal qof ayaa isugu soo baxay caasimadda Greenland ee Nuuk, iyagoo muujinaya taageero ay u hayaan is-maamul iyo madax-bannaani dheeraad ah.
Dibadbaxayaasha ayaa watay calanka Greenland, waxayna ku dhawaaqayeen hal-ku-dhigyo ay ka mid yihiin “Mustaqbalkeenna annagaa qaabeynayna” iyo “Greenland lama iibinayo.”
Dhanka diblomaasiyadda, wasiirrada arrimaha dibadda ee Denmark iyo Greenland ayaa Washington kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio. Inkastoo kulankaasi uusan keenin is-afgarad buuxa, haddana waxaa la isku raacay in la dhiso guddi shaqo, balse labada dhinac ayaa si kala duwan u fasirtay ujeedadiisa.
Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa adkeeyay in go’aanka mustaqbalka Greenland uu ku jiro gacanta Denmark iyo shacabka Greenland, halka Denmark ay sheegtay inay kordhinayso joogitaanka ciidankeeda jasiiradda, iyadoo la kaashaneysa xulafadeeda. Dhanka kale, UK iyo dalal kale ayaa bilaabay kormeerro milatari oo ka socda waqooyiga Yurub, xilli ay sii kordhayaan hadallada ku saabsan suurtagalnimada xiisad amni.
GAROWE ONLINE