Trump oo loo aruuriyay lacagtii ugu badneyd ololaha doorashada Mareykanka

Image
SAWIR HORE

WASHINGTON, Mareykanka - Afhayeenkii ololaha doorasho ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay Sabtida in Trump uu aruuriyay ilaa 20 milyan oo doolar seddexdii toddobaad ee la soo dhaafay.

Muddadani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Trump lagu soo oogay dacwado heer federaal iyo heer gobol ah oo la xiriira sheegashadiisa beenta ah ee ah in doorashada 2020 lagu shubtay.

Afhayeenka Trump Stephen Chung ayaa ku sheegay barta X, oo hore loogu yiqiin Twitter-ka, in madaxweynihii hore uu soo aruuriyay $7.1 milyan tan iyo markii uu K aoo muuqday sawirada laga qaado dambiilayaasha khamiistii.

Chung ayaa intaa ku daray in Trump uu ururiyay lacag dhan 4.18 milyan oo doolar jimcihii oo kaliya, taas oo ka dhigaysa maalintii ugu lacagta badnayd ee ololihiisa doorashada.

Trump, oo loo doortay madaxweyne 2016-kii, balse 2020-kii uu ka guuleystay Dimuqraadiga Joe Biden, ayaa mar kale doonaya in xisbiga Jamhuuriga ay ku guuleystaan madaxtinimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM