Trump oo Madaxweynaha dalka Ruushka ku tilmamaey nin waxgarad ah

Image

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa ku ammaanay talaabada u qaaday madaxweynaha Ruushka Mr Putin ee ah inuusan ku dayan dowlada Maraykanka oo horay u ceyrisay diblomaasiyiin Ruush ah kuwasoo loo haysto inay ka dambeeyeen faragalin lagu sameeyey doorashadii Maraykanka ka dhacday. 

Waxaa la eryey shaqaalihii ku sugnaa safaaradda Ruushka ee San Fransico iyo Washington.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa hore u sheegay in uusan musaafurin doonin diblumaasiyiinta Mareykanka. 

Mr Putin wuxuu sheegay inuu sugaayo illaa Donald Trump uu xilka kala wareegaayo bisha January, ka hor inteysan go'aan gaarin. 

Wuxuu xaqiijiyay in caruurta diblumasiyiinta Mareykanka lagu casuumaayo aqalka Kremlin-ka si ay uga qayb galaan dabaaldaga sanadka cusub.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa horey ugu baaqday in dalka Ruushka laga eryo 35 diblmoaasiyiin u dhalatay Mareykanka taas oo jawaab u ah tallaabo taa la mid ah oo ay Washington qaaday maalmihii la soo dhaafey. 

Fariin qoraal ah oo la dhigay barta Twitter-ka ee madaxweynaha la doortay Donald Trump ayaa lagu tilmaamay in madaxweyne Putin uu yahay nin waxgarad ah.  

Dhanka kale John McCain oo horay musharax madaxweyne u soo noqday ayaa ku tilmaamay tilaabada Ruushka lagula xiriirinayo jabsashada aalada internetka ee doorashooyinkii Maraykanka ka dhacay inay ahayd tilaabo weerar ah, ayna tahay in Ruushka uu wajaho abaalkiisa.

BBC

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM