Trump oo markii uu ka degay Malaysia la kulmay banaanbax isaga looga soo horjeedo

Image

Kuala Lumpur, Malaysia - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bilaabay safarkiisii ugu horreeyay ee uu ku tago gobolka Asia-Pacific tan iyo markii dib loogu doortay xilka, isagoo ka qaybgalaya shir-madaxeedka ASEAN ee ka socda dalka Malaysia.

Trump ayaa la sheegay inuu wadahadallo la leeyahay hoggaamiyeyaasha gobolka oo ku saabsan heshiis xabbad-joojin oo u dhexeeya Thailand iyo Cambodia, kaas oo lagu wado in maanta lagu saxiixo magaalada Kuala Lumpur.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa si weyn u doonaya inuu sheegto door muhiim ah oo uu ku lahaa heshiiskaas, kaddib markii labada dal ee deriska ah ay bishii Luulyo ku dagaallameen xadka, dagaal sababay dhimasho iyo dhaawacyo badan.

Raysal Wasaaraha Malaysia Anwar Ibrahim ayaa sheegay in shir-madaxeedka ASEAN uu fursad u yahay hoggaamiyeyaasha gobolka inay “dhisaan waax goboleed mideysan, barwaaqo ah, oo adkaysi leh.”

Isagoo ka hadlayay doorka Malaysia ee kursiga guddoomiyaha ASEAN, Anwar ayaa ku adkeystay in ururka loo arko “tiirka xasilloonida gobolka”, isagoo tilmaamay in dowladdiisu ku hoggaaminayso mabaadi’da “midnimo, nabad iyo barwaaqo wadaag.”

Dibadbaxyo looga soo horjeedo Trump ayaa lagu qabtay magaalada Kuala Lumpur, iyadoo qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ay siteen boorar ay ku qoran yihiin inaan madaxweynaha lagu soo dhaweynayn Malaysia.

Booqashada Trump ee 5-ta maalmood ah ee diblumaasiyadeed ee Aasiya ayaa waxa uu booqan doonaa Malaysia, Japan iyo South Korea, iyadoo ajandaha ugu sarreeya uu yahay ganacsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM