Trump oo saldhig Militeri kula kulmaya Putin - Caalamka oo indhaha ku haya shirkooda
Anchorage, Alaska – 15 Agoosto 2025 – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, ayaa maanta ku kulmaya saldhigga milatari ee Joint Base Elmendorf-Richardson oo ku yaalla magaalada Anchorage ee gobolka Alaska, halkaas oo lagu wado inuu shir madaxeedkoodu si rasmi ah u bilaabmo 11:30 subaxnimo waqtiga maxalliga ah (19:30 GMT).
Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee labada hoggaamiye ay si gaar ah ugu kulmaan tan iyo shirkii Helsinki ee dhacay sanadkii 2018, waxaana si weyn diiradda loo saarayaa sidii loo soo afjari lahaa dagaalka seddex sano ka badan ka socday dalka Ukraine.
Sida laga soo xigtay saraakiil sare oo Mareykan ah, kulankan ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid ay labada dhinac si qoto dheer uga wada hadlaan arrimaha amniga caalamiga ah, xabbad-joojinta Ukraine, xaaladda Bariga Yurub iyo dib u habeynta xiriirka laba geesoodka ah ee Mareykanka iyo Ruushka.
Dagaalka Ukraine, oo billowday horraantii 2022 kaddib markii Ruushku weerar ku qaaday dalkaas, ayaa sababay khasaare baaxad leh, barakac, iyo cunaqabateyn adag oo ay beesha caalamku ku soo rogtay Moscow.
War-murtiyeed laga filayo in laga soo saaro kulanka ayaa lagu wadaa inuu muujiyo is-afgarad kasta oo labada dhinac ka gaaraan arrimaha muhiimka ah, gaar ahaan dammaanad-qaadka amniga Ukraine iyo doorka Ruushka ee mustaqbalka gobolka.
Madaxweyne Trump, oo dhawaan markale loo doortay xilka Madaxtinimada Mareykanka, ayaa sheegay in uu doonayo “xal diblomaasiyadeed oo degdeg ah oo lagu joojinayo daadinta dhiigga.”
Dhanka kale, Madaxweyne Putin ayaa sheegay in Ruushka “uusan diiddaneyn wadahadal ku saabsan nabadda, balse ay jiraan waxyaabo muhiim ah oo la isku fahmi karo marka si toos ah la isugu yimaado.”
Ciidamada ammaanka Mareykanka ayaa aad u adkeeyay sugidda amniga magaalada Anchorage iyo meelaha ku dhow saldhigga milatari, iyadoo lagu wado in kulanku socdo dhowr saacadood, kaddibna la qabto shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u qaban doonaan labada madaxweyne.
Shirkan ayaa indhaha caalamku si weyn ugu jeedaan, iyadoo rajada laga qabo in uu horseedo hoos u dhac ku yimaada colaadda Ukraine ay tahay mid sare.
GAROWE ONLINE