Trump oo shir jaraa'id qabanaya kaddib markii la faafiyey warar ku saabsan Caafimaadkiisa

Image

Washington, D.C. – Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu qaban doono shir jaraa'id saacadaha soo socda, taasoo noqon doonta markii ugu horreysay ee uu si toos ah ula hadlo warbaahinta tan iyo bilooyinkii u dambeeyay.

Madaxweynaha oo 79 jir ah, ayaa si weyn loola xiriirinayay warar aan la xaqiijin oo sheegaya inuu la tacaalayo xanuun la yiraahdo chronic venous insufficiency (CVI), taasoo keentay in la isweydiiyo xaaladda dhabta ah ee caafimaadkiisa.

Inkastoo uu Trump Axaddii lagu arkay ciyaar golf ah oo uu la ciyaarayay caruurtiisa woqooyiga Virginia, haddana muuqaalladaasi wax badan kama bedelin shakiyaadka la xiriira caafimaadkiisa.

Warbixinta loo diray saxaafadda Aqalka Cad ee Isniinta ayaa si weyn loo hadal hayay, maadaama aysan faahfaahin ka bixin waxa uu Madaxweynaha kaga hadlayo shirka jaraa’id. Aqalka Cad wuxuu weli ku adkeysanayaa in Trump uu "ku sugan yahay xaalad caafimaad oo aad u wanaagsan."

Si kastaba ha ahaatee, wararka hoose ee la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in laga yaabo inuu Madaxweynaha ku dhawaaqo iscasilaad, iyada oo ay sii xoogaysanayaan tuhunka ku saabsan awoodiisa shaqo.

Dad mucaarad ku ah Trump oo la yiraahdo Republicans Against Trump, ayaa baraha bulshada ku qortay: "Trump wuxuu berri 2 duhurnimo kaga dhawaaqayaa wax ka tirsan Xafiiska Oval-ka. Ma is-casilaad ayuu wataa?"

GAROWE ONLINE

Related Articles

IOM iyo Midowga Yurub oo Muhaajiriinta Soomaaliya kasoo celinaya Libya

Sida laga soo xigtay IOM Displacement Tracking Matrix, in ka badan 1,400 muhaajiriin Soomaali ah ayaa ilaa Abriil 2025.

  • Caalamka

    22-11-2025

  • 09:21AM

Zelenskyy: “Ukraine waxay wajahaysaa laba doorasho — in ay lumiso sharafkeeda ama saaxiibtinimada Mareykanka”

Madaxweynaha Ukraine wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dalkiisu u baahan yahay taageero joogto ah, balse ay ka sarreyso baahidaas ilaalinta karaamadooda.

  • Caalamka

    22-11-2025

  • 06:44AM