Trump oo Soomaalida Minnesota ku eedeeyay dambiyo culus, isagoo ku baaqay tarxiil degdeg ah

Image

WASHINGTON - Trump ayaa hadallo kulul oo uu ku qoray baraha bulshada ku sheegay in “dadka Soomaalida ah ay argagax ku hayaan shacabka Mareykanka ah ee ku nool gobolka Minnesota,” isaga oo ku daray in “balaayiin dollar ay maqan yihiin,” ayna tahay in “dib loogu celiyo halkii ay ka yimaadeen.”

Madaxweyne Trump ayaa Minnesota ku tilmaamay meel ay ka jirto khiyaano dhaqaale oo baahsan, isaga oo si toos ah u beegsaday dhalinyarada Soomaaliyeed ee gobolka ku nool. Hadalladan ayaa si degdeg ah u kiciyay dood iyo cabsi cusub oo ka dhex dhalatay bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota, oo ah jaaliyadda ugu weyn ee Soomaalida Mareykanka.

Hoggaamiyeyaasha bulshada iyo ururrada xuquuqda Muslimiinta ayaa cambaareeyay hadalka Trump, iyagoo ku tilmaamay mid naceyb hurinaya oo si siyaasadaysan u bartilmaameedsanaya bulshada Soomaaliyeed. Ururka CAIR-Minnesota ayaa sheegay in hadalladan “ay khatar gelinayaan ammaanka bulshada isla markaana ay sii fogeynayaan kala duwanaanshaha ku nool gobolka.”

Soomaalida Minnesota oo door muuqda ku leh ganacsiga, shaqo-abuurka iyo adeegyada bulshada ayaa sheegay in hadallada noocan oo kale ahi kordhiyaan cabsi, isla markaana dhaawacaan sumcadda guud ee jaaliyadda. Qoysaska iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa ugu baaqay madaxda Mareykanka iyo kuwa gobolka in ay ka hortagaan hadallada xanbaarsan naceybka iyo kala qaybinta bulshada.

Hadallada Trump ayaa imanaya xilli doodda ku saabsan socdaalka iyo amniga gudaha ay mar kale ku soo laabatay siyaasadda Mareykanka, iyadoo Soomaalida Minnesota ay sheegayaan in ay weli u baahan yihiin nabad, taageero bulsho iyo siyaasado aan si gaar ah u bartilmaameedsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM