Erdogan oo qashinka ku daray warqad "hanjabaad ah" kana timid Trump

Image

ANKARA, Turkey – Madaxweyne Donald Trump ayaa warqad hanjabaad ah wuxuu u qoray dhigiisa Turkiga, Racep Tayib Erdogan, sidda ay baahisay saxaafadda.

Warqadaas ayaa ku saabsaneyd xiisadda ka dhalatay howlgalka ay Ankara kawaddo waddanka carbeed ee Suuriya.

Mas'uuliyiin Turki ah kuwaas oo codsaday in aan la magacaabin ayaa u sheegay Middle East Eye in ay ka jawaabeen qoraalkaas.

"Warqadda ayaa waxay ku qorneyd luqad adag," ayay sheegeen xubnaha uu soo xigtay wargeyska fadhigiisu yahay magaaladda London. "Ha is-adkeynin, hana iska dhigin nacas," ayaa ku jirtay warqada.

Mid kamid ah xubnaha hadashay ayaa wuxuu intaas ku daray: "Warqadaasi waan duuduubnay kadibna qashinka ayaan ku tuurnay".

"Qoraalka wuxuu soo dhacay 9-kii October, maalin kahor inta uusan bilaaban Howlgalka Xagaaga nabadda," ayuu hadalkiisu raaciyey.

Dusinta warqadda ayaa kusoo beegantay iyadda oo wafdi ka socda Mareykanka la qorsheynayo in ay ka deganaa magaaladda Ankara.

"Madaxweynaheena wuxuu siiyey jawaabta ugu wanaagsan oo ah in uu bilaabay howlgalka isla maalintii," ayay hoosta ka xariiqeen xubnahaas.

Wafdiga Washington oo uu horkacayo madaxweyne ku xigeenka Mike Pence ayaa waxay baadigoobayaan xabad joojin ka dhaqan-gasha waqoyga Suuriya.

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Turkiga, Ahmet Davotoglu, ayaa soo jeediyay in la baajiyo dhamaan kulamadda Mareykanka ee qorsheysnaa.

"Qaranka iyo dowladda Turkiga waa la dacaayadeeyay," ayuu bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka uu soo dhigay Davotoglu, kaasoo cilaaqaad wanaagsan la leh xukuumadda Erdogan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM