Trump oo weerar afka ah ku qaadey Saynisyahannada

Image

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa saynisyannada isbadalka cimilada ku eedeeyay in ay leeyihiin ajendeyaal siyaasadeed” isaga oo shaki ka muujiyay in banii’aadamku ay masuul ka yihiin kululaanshaha cimilada adduunka.

Trump ayaase dhanka kale sheegay in uusan hadda rumaysnayn in isbadalka Cimilada Adduunku uu yahaywaxba kama jiraaan.

Trump ayaa hadalkan sheegay intii uu waraysiga siinayay barnaamijka telefeshinka CBS ka baxa ee 60 Minutes, wuxuuna ku soo aadayaa wax ka yar toddobaad markii saynisyahannada cimiladu ay soo saareen baaqii ugu dambeeyay ee ku aadan in wax laga qabto cimilada dunida ee sii kululaanaysa.

Saynisyahannada ugu caansan dunidaayaa isku afgartay in isbadalka cimilada dunida ay aadanuhu sababayaan.

Gudiga IPCC oo ah midka ugu horreeya dunida marka ay timaaddo la socoshada cimilada adduunka ayaa ka digay in dunidu ay ku sii socoto kululaansho uu cabirkeedu yahay 3C.

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM