Trump oo weeraray maxkamad ka xukmisay siyaasad gaar u ah

Image

WASHINGTON, US – Madaxwayneynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaashaanka ku dhuftay go’aanka maxkamad heer federaal ah ay ku hor-istaagtay siyaasadiisa ka dhanka ah soogalootiga ku sugan xadka Mexico.

"Xeer-ilaaliyaha 9aad ee Circuit waxay xukmieysa in Mexico ay halis ku tahay muhaajiriinta," ayuu ku yiri qoraal uu soo bandhigay bartiisa Twitter-ka. Isaga oo raaciyay "Sidaasi awgeed waxay cadaalad daro ku tahay Mareykanka."

Siyaasada Trump ayaa dib ugu celineysa soogalootiga xuduudka Mexico kuwaasi oo sugaya go’aan maxkamadeed hadii ay baaqi kusii ahaan karaan gudaha dalka dunida ugu gobolada badan.

Hay’adda socdaalka Mareykanka ayaa ku sheegtay soogalootiga ku sugan sohdinta in ay gaarayaan 100-kun, taasi oo ka dhigaysa tiradii ugu badneed taariikhda tobanaan sano kadib.

Xeer-ilaaliyaha degmada 9aad ee San Francisco oo amray in siyaasada ka dhanka ah muhaajiriinta aysan shaqayn karin illaa iyo 12-ka April ayaa siiyay mas'uuliyiinta Mareykanka fursad ah ay racfaan ku qaadan karaan.

Xukunka maxkamada ayaa imaanaya iyada oo ay is-cishay wasiirada amniga gudaha Mareykanka kadib is-fahan daro soo kala dhex-galay iyada iyo maamulka Trump oo olalaha ku galay in uu xakameynayo soogalootiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ugu hanjabay Iran Dagaal ka weyn kii hore haddii diido ‘Heshiis Rasmi Ah’

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu Trump ku sheegay in joogitaankan uu ka koobnaan doono.

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 05:33AM

Lubnaan: Israel oo 112 qof ku dishay duqeymo Maanta fulisay

Lubnaan waxay ku jirtaa xaalad adag, dadka rayidka ah ayaana bixinaya qiimaha ugu sarreeya ee colaaddan.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 04:28PM