Tunisia: doorashadii ugu horeysey ee xor ah oo maanta loo dareerayo

Image

November 23, 2014 (GO)- In ka badan shan milyan oo qof oo reer Tunisia ah ayaa saaka u dareeraya goobaha cod-bixinta si ay u doortaan madaxweynihii ugu horreeyey taariikhda dalkaas ee si dimuqraadi ah loosoo doorto.

Doorashada waxaa ku tartamaya 27 murashax oo isugu jira kuwo axsaabta siyaasadeed ee waaweyn ka socda iyo qaar kale oo si iskood ah isu soo sharaxay, waxaase ugu cadcad murashaxa xisbiga (Tunisian Call) Beji Caid Essebsi.

Guddiga madaxa banaan ee doorashada ayaa shaaciyey in 5.2 milyan oo qof is diiwaan geliyeen si ay uga qayb galaan cod-bixinta oo ka dhaceysa in ka badan 4,500 oo goobood. Guddigu wuxuu intaas raaciyey in natiijada hordhaca ah ee doorashada la shaacin doono labo maalmood kadib.

Dhanka kale ammaanka guud ee dalka gaar ahaan magaalada caasimadda ee Tunis ayaa si weyn loo adkeeyey cabsi laga qabo weeraro argagixiso darteed.

Dalka Tunisa wuxuu laga soo bilaabo markii uu xornimada qaatay soo yeeshay labo madaxweyne oo kala ahaa: asaasihii Tunisia-yada cusub Habib Bourguiba iyo Zine  El Abidine Ben Ali oo isagu sanadkii 1987 af-gembi aan dhiig ku daadan xukunka kula wareegey.

Sanadkii 2011 ayaa kacdoon dadweyne oo ka bilowday Tunisa kuna baahay dhammaan dalalka Carabta oo loogu magac adaray (Gugii Carabta) waxaa xukunka looga tuuray Zine El Abidine Ben Ali.

Doorashadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysey ee xor ah ee dalka Tunisia ka dhacda laga soo bilaabo markii uu madax banaanidiisa ka qaatay dalka France 1956.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM