Turkey: 55 milyan oo u dareeray doorashada baarlammaaniga ah

Image

June 7, 2015 (GO)- Doorashada guud ee baarlammaaniga ah ayaa maanta ka dhacaysa dalka Turkiga. 55 milyan oo qof  ayaa ka qayb gelaya doorashada, waxayna udub dhexaad u tahay isbeddel la doonayo in lagu sameeyo dastuurka Turkiga.

Afar xisbi siyaasadeed ayaa tartamaya, balse xisbiga talada haya ee Cadaaladda iyo Horumarka ayaa dadaal ugu jira sidii uu doorashada guul uga soo hoyi lahaa.

Haddii xisbiga talada hayaa kuraas badan ka helo baarlammaanka, waxaa u fududaan doonta in la bedelo qodobada dastuurka ee xaddidaya awoodda madaxweynaha.

Dastuurka Turkiga ayaa awoodaha maamulka iyo go'aan gaarista siinaya Ra'isal Wasaaraha, halka madaxweynaha xilkiisu yahay mansab sharafeed. 

Gelinka dambe ee maanta ayey doorashadu soo gaba gaboobi doontaa, isla caawa ayaana la shaacin doonaa natiijada hordhaca ah ee doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM