Turkey iyo Djibouti oo heshiis ganacsi kala saxiixdey

Image

January 24, 2015 (GO)- Dowladaha Turkey iyo Djibouti ayaa kala saxiixdey heshiis ganacsi iyagoo sidoo kale isku afgartey inay iskaashi fiican ka yeeshaan dhinacyada ammaanka, caafimaadka iyo waxbarashada.

Heshiiska oo ka dhacay madaxtooyada Djibouti waxaa labada dhinac u kala saxiixay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Turkey Recep Tayyib Erdogan oo xiligan dalkaas booqasho ku jooga.

Booqashada Erdogan ku marayo Geeska Afrika oo qaadan doonta muddo todobaad ah waxaa dalalka uu ku marayo kamid ah Kenya, Djibouti, Ethiopia iyo Somalia oo maalinta berri ah lagu wado inuu soo gaaro.

Wafdiga Madaxweynaha Turkey oo ka kooban in ka badan 100 xubnood waxaa ku jira wasiiro iyo tobanaan maalgashadeyaal ah oo Turkish ah.

Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyey ku hawlanaa sidii uu iskaashi xoogan oo dhinacyo badan leh ula sameysan lahaa dalalka Geeska Afrika. Arimaha Turkigu aadka u daneynayo waxaa ugu muhiimsan maalgashiga iyo in badeecooyinkiisa uu suuq uga helo Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM