Turkey: xisbiga AKP oo waayay aqlabiyadda baarlammaanka

Image

Xisbiga haya talada dalka Turkiga, AKP, ayaa doorashadii shalay dhacday ku waayay aqlabiyadii uu ku lahaa baarlamaanka dalkaasi 13-kii sano ee lasoo dhaafay.

Natiijada doorashada ayaa u muuqata in ay caqabad ku noqon doonto madaxweyne Rajab Tayid Erdogan, oo wata qorshe uu ku bedelaya dastuurka Turkiga, si uu u ballaariyo awoodihiisa.

Xisbiga AK ayaa helay boqolkiiba 41 codadkii la dhiibtay, waxaan ra'iisul wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu, uu sheegay in ay iska cadahay in xisbiga uu ku guuleystay doorashada.

Waxa uu ugu baaqay dhammaan axsaabta siyaasadda in ay ka qeyb qaataan hannaanka lagu cusbooneysiinayo dastuurka dalkaasi.

Xisbiga u janjeera Kurdiyiinta dalkaasi ee HDP, ayaa helay wax ka badan boqolkiiba 12 codadkii la dhiibtay, waxaana markii ugu horeysay taariikhda uu ka mid noqonayaa baarlamaanka Turkiga.

HDP ayaa natiijada ku tilmaamay guul usoo hoyatay dimuqraadiyada.

Xigasho: BBC

 

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM