Turkiga iyo Imaaraadka oo kala saxiixdey heshiisyo cusub

Image
Is-fahamkan ayaa kasoo baxay kulan dhexmaray hogaanka labaddan waddan.

ANKARA, Turkey - Turkiga iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa Arbacada maanta ah kala saxiixday heshiisyo ku saabsan maalgashiga tamarta iyo teknoolojiyadda, sida ay warisay saxaafadda maxaliga ah.

Saxiixa heshiiska ayaa ka dambeeyay kadib wadahadal u dhexeeya madaxweyne Tayyip Erdogan iyo dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan oo ka dhacay Ankara.

Kulanka uu Sheikh Mohammed la yeeshay Erdogan oo todobaad kahor lasii shaaciyey ayaa wuxuu ku yimid booqashadii ugu horreysay oo noocan oo kale ah muddo sannado ah.

Is-aragan ayaa ku soo beegmay iyadoo labada dal ay ka shaqeynayaan hagaajinta xiriirka go’ay kaddib in muddo ah loolan adag oo gobolka u dhexeeyey, iyo iyadoo Turkiga uu ka jiro qalalaase dhanka lacagta ah.

Is-afgaradka waxaa kala saxiixday Abu Dhabi Development Holding (ADQ), Sanduuqa Dhaqaalaha Turkiga (TVF), Xafiiska Maalgashiga Madaxtooyada Turkiga, iyo sidoo kale qaar ka mid ah Shirkadaha Turkiga.

Heshiisyada ayaa muujinaya in udub-dhaxaadka uu yahay iskaashiga dhanka dhaqaale ka dib markii uu dagaal saamayn ku yeeshay gobolka tan iyo markii kacdoonnada Carabta ay qarxeen toban sano ka hor.

Muranka ayaa gaaray bariga Mediterranean-ka iyo gacanka, kahor intaysan Ankara qaadin weerar soo jiidasho leh oo gobolka ah sanadkii hore taasoo ka careysiisay dowladaha Carabta gaar ahaan kuwa Khaliijka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo lagu eedeeyay inuu booqanayo dalal qoyskiisa dano ganacsi ka leh

Bishii hore, wiilka labaad ee Trump, Eric Trump, ayaa dhameystiray heshiis ku kacaya $5.5 bilyan oo lagu dhisayo xarun golf oo casri ah gudaha Qatar.

  • Caalamka

    13-05-2025

  • 05:03AM

Mareykanka iyo Shiinaha oo Heshiis Cusub Ka Gaaray Canshuuraha Ganacsiga

Xiisadda ganacsi ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Shiinaha ayaa bilaabatay sanadkii 2018, mudo-xileedkii hore ee Donald Trump.

  • Caalamka

    12-05-2025

  • 07:58AM