Turkiga iyo South Africa oo u yeeray Safiiradooda Israel

Image

ANKARA - Dowladda Koonfur Afrika ayaa waxay u yeertay safiirkeeda ujooga Israa’iil, taasoo daba socota xasuuq ay ciidamada maamulka Yahuuda u geysteen Shacabka Falastiin, ee ku dibadbaxaya magaalada Gaza.

"Iyadoo la tixgelinayo hab-dhaqanka aan kala sooc lahayn ee weerarkii ugu dambeeyay ee Israa'iil, dawladda Koonfur Afrika waxay go'aansatay inay dib u soo celiso safiir Sisa Ngomban," wasiirka arrimaha dibadda ayaa ku sheegay qoraal uu soo saaray.

“Shaacintaan waxay dhaqan-galaysaa sida ugu dhaqsiyaha badan, illaa iyo ogeysii dambena ma sii joogi doono halkaas [Israa'iil,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaraa warfaafinta ee dowladda Koonfur Afrika.

Dhanka kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa isna sheegay inay udib usoo celiyeen safiiradooda dalalka Mareykanka iyo Israa'iil, wuxuuna ku dhawaaqay sadex maalmood oo loogu baroor-diiqayo dadka lagu laayay Gaza.

“Waxaan u aqoonsan nahay waxa ka dhacay Gaza, xasuuq, waxaana cambaareynaynaa ficilkaas wuxuushnimada ah. Sidoo kale, go’aankii uu Mareykanka ugu aqoonsaday Qudus caasimada Israa’iil waan cambaareynaa,” ayuu yiri Erdoğan.

In ka badan 50 qof oo Falastiini ah ayaa dhintay, halka in ka badan 2,000 qof ay ku dhaawacmeen kadib Rasaas nool-nool oo ay ciidamada Israa’iil kusoo tureen dadka banaan ku sameynaay meel ku dhow Xuduudka Gaza.

Dadkaan oo ka careysanaa in saxaafadda Mareykanka loosoo wareejiyo maanta Magaalada Quddus ee dhulka Falastiin ayaa waxaa Wasaarada Falastiiniyiinta ay sheegtay in tirada dhimashada ay intaan kasii badan karto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM