Turkiga oo laga qaaday xaaladdii deg deg ahayd ]Sidee shacab u saameysay?]

Image

ANKARA, Turkey - Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday inay ka qaaday dalkaasi xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay labo sano ka hor markii uu dhacday Afgembigii fashilmay ee 2016-dii, ee la doonayay in xilka looga tuuro Erdogan.

Intii uu dalkaan saarnaa xaaladaas deg deg ah, Kumanaan kun oo qof ah ayaa la xiray, halka kuwa kalena shaqadda laga eryay.

Go'aankaan wuxuu kusoo beegmayaa Labo isbuuc kadib markii dib loo doortay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Intii uu socday olalaha doorashadda, murashixiinta mucaaraadka ah ayaa sheegay in waxa ugu horeey oo ay sameyn doonaan ay noqoneyso inay dalka ka qaadaan xaaladda deg deg ah.

In ka badan 107,000 oo qof, kuwaasoo kamid ahaa shaqaalaha danta guud ayuu galaaftay xaaladda deg deg ah. Sidoo kale, waxaa la xiray 50,000 qof, sida laga soo xigtay qiimayn la sameeyay.

Inta badan dadkaan la eryay ayaa waxaa lagu eedeeyay inay taageero uyihiin Wadaadka Mareykanka degan ee Fethullah Gulen, kaasoo xukuumadda Ankara ku eedaysay inuu Afgamiga ka dambeeyay.

Laakiin,  Fethullah Gulen oo degan Mareykanka, ayaa gabi ahaanba eedaha loosoo jeediyay gaashaanka ku dhuftay.

Sikastaba, sanadkii 2016-kii ayay ahayd markii uu dhacday Afgambiga, xiligaas xarunta Baarlamaanka ay duqeeyeen diyaaraddo Milatari ah, halkaasoo in ka badan 250 qof lagu dilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM