Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza
ISTANBUL, Turkiga — Turkiga ayaa Jimcihii shalay soo saaray amarro xiritaan oo lagu soo rogay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo 36 mas’uul oo kale oo Israeli ah, kuwaas oo lagu eedeeyay “xasuuq” iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha oo ka dhacay Gaza, sida ay shaaciyeen xafiiska dacwad oogaha guud ee Istanbul.
Amarrada xiritaanka ayaa lagu bartilmaameedsaday mas’uuliyiin sar-sare oo Israeli ah, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga Israel Katz, Wasiirka Amniga Qaranka Itamar Ben Gvir, iyo taliyaha ciidamada Eyal Zamir. Eedeymaha ayaa la xiriira falal lagu sheegay in lagu sameeyay Gaza iyo ka hor-tagista diyaarad badeed gargaar u kaxaysay deegaankaas bishii la soo dhaafay.
Israel ayaa si degdeg ah u cambaareysay tallaabada. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel Gideon Sa’ar ayaa ku tilmaamay “tallaabo suuq-geyn siyaasadeed” oo uu qaaday Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, isaga oo sheegay in maxkamadaha Turkiga muddo dheer loo adeegsaday in lagu caburiyo mucaaradka siyaasadeed laguna xiro saxafiyiinta, garsoorayaasha, iyo masuuliyiinta mucaaradka ah. Sa’ar ayaa tusaale u soo qaatay xiritaanka duqa magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu bishii Maarso, oo ahaa mucaarad muhiim u ah Erdoğan, taasoo qeyb ka ahayd baaritaanno musuq iyo argagixiso.
Hamas ayaa soo dhaweeyay amarada xiritaanka, iyagoo sheegay in go’aanka uu “cadeynayo mowqifka sharafka leh ee shacabka Turkiga iyo hogaankooda.”
Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza, kuwaasoo qeyb ka ah heshiis joojin dagaal oo ay fududeysay Maraykanka. Todobaadkan, dhowr dal oo Muslim ah ayaa ku kulmay Istanbul si ay uga wada hadlaan Ciidanka Caalamiga ah ee Xasilinta (ISF) ee Gaza, oo loogu talagalay tababarka ciidanka booliiska Falastiin iyo xasilinta deegaanka.
Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa tilmaamay doorka muhiimka ah ee Turkiga ku leeyahay heshiiska joojinta dagaalka ee Hamas, iyagoo sidoo kale xusay in Turkigu uu noqon karo ka qaybgalaha ciidankan. Israel ayaa cadeeyay inay ka soo horjeedo ciidamo Turkiga ah oo Gaza la dhigo, halka Madaxweyne-ku-xigeenka Mareykanka JD Vance uu sheegay in Israel ay ogolaan doonto ciidamadii shisheeye ee halkaas la geeyo.
Amarrada Turkiga ee lagu soo rogay Netanyahu iyo mas’uuliyiinta kale ayaa ku soo beegmaya ku dhawaad sanad kadib markii Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ay soo saartay amar la mid ah oo ku aaddan Netanyahu, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo dagaal, tallaabadaas oo xafiiskiisu ku tilmaamay “mid caqli-gal darro ah oo ka dhan ah Yuhuudda.”
— Garowe Online