Turkiga oo nolosha ku qabtay gabar la dhalatay Abuubabar Al-Baqdaadi

Image

ANKARA, Turkey – Turkiga ayaa si rasmi ah wuxuu ku dhawaaqay in uu qabtay gabar la dhalatay hogaamiyihii la dilay ee Daacish, Abuubabar Al-Baqdaadi.

Mas'uuliyiinta ayaa shaaca ka qaaday in ay haweenaydaan gacanta ku dhigeen Isniintii kadib howlgal balaaran oo aad loo qorsheeyay.

Saraakiisha ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Rasmiya Awad laga soo xiray tuuladda Azaz ee dhacda Waqoyga waddanka Suuriya.

"Iyadda, seygeeda iyo gabar kale oo sodoh-deeda ah waxaan waydiineynaa su'aallo," ayaa laga soo xigtay saraakiisha.

Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii October ee lasoo dhaafay shaaciyey in Al-Baqdaadi uu ku dhintay howlgal ay sameeyeen ciidamada Mareykanka.

"Waxaa rajeynaynaa in ay bixin doonaa macluumaadyo sirdoon oo ku saabsan shaqadda ISIL iyo Baqdaadi," ayey raaciyeen saraakiisha Turkida.

Baqdaadi oo "isku qarxiyey god dhulka hoostiisa ah markii ciidamaddu hareeyeen hoygiisa" ayaa wuxuu noqday qofkii loogu raadinta badnaa aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo sheegay in Israa’iil dhisi doonto isbahaysi ka hortaga “xulafada Suniga iyo Shiicada”

Dhanka kale, Modi ayaa sheegay inuu si buuxda ugu raacsan yahay Netanyahu xoojinta xiriirka ka dhexeeya Hindiya iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    22-02-2026

  • 08:04PM

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran

Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker…

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 10:13PM